Guddiga Olambikada Soomaaliya Garsoor Ma Noqon Karaan?
This article was Published at: 16-03-2010 and has been viewed 1203 times
Inta badan waxaan ku noolaa qurbaha waxaan keliya aad uga warhayay isboortiga Soomaaliya waxaan markan igu kalifay inaan ra`yigayga soo bandhigo markaan arkay xaaladda hadda socota oo ah mid aan ku wanaagsanayn isboortiga isjiid jiid iyo xukun jaceyl, sedbursi iyo musuqmaasuq wax walba.


Waxaan soo jeedin lahaa isboortiga Soomaaliya  waxaa  madax u ah nin waayo arag ah oo muddo ku dhex jiray isboortiga Mudane Wiish  waxay ila tahay in uu isku dayo oo arimaha xiriiradiisa ka taagan uu gacanta ku dhigo oo  uusan marqaati indhaha ka noqon waxa dhacaaya guddi loo sameeyo oo baara howlaha doorashada  iyo cidda dhinaca xun ku socota. Yaan  la dhihin keliya waa howl xiriirka iyo FIFA ka dhaxeeya  kubadda cagta waa astaanta ciyaaraha Soomaaliya laga daawan karo haddii hadalo xun iyo dhaqan xumo isboorti ay ka soo baxaan waxaa dhab ah in caalamka uu qaadanayo fikir xun o ku aadan isboortiga Soomaaliya waxaan hadalkayga ku soo afjarayaa  Guddiga Olambikada waxaa laga doonayaa in ay arintaan garsooraan oo ah si cadaalad meel ku mariyaan awoodooda aysan xaqirin  Mudane Wiish waxaan  kaa rajeynaynaa inaad ka jawaabto Guddiga Olambikada Soomaaliya Garsoor Ma Noqon Karaan?

 

Mursal Xasan Nuur(Nur-K)
nur-k1@email.com
Leicester -UK

 

---------------------------------------------------------------------------

 NB. Qormadan waxa ay u gaar tahay  fikirka aqristaha ku xusan

 

---------------------------------------------------------------------------------------------------------

Bookmark and Share

 





 
  © Copy Right 2009 - 2010 Isboorti.com | All Rights Reserved  
Designed, Developed & Powered by: Ileys Technology Inc.