Waxaan doonayaa inaan dadka Soomaaliyeed u soo bandhigo xaalad isboorti oo aan muddo badan baarayay lakiin markii danbe ii soo baxay in wadanka dhaqdhaqaaqiisa isboorti inuu kooban yahay inta dhaqdhaqaaqysa ay yahiin kuwo aan awood buuran lahayn balse aan soo qaato Xiriirka kubadda cagta oo marka laga soo tago howlaha uu qabto ay ku xeeran yahiin cabashooyin badan sida madaxda kooxaha ,qabasho la`aanta Horyaalka weyn .
Maamulka haatan ee Xiriirka kubadda cagta waxaa marar badan soo wajahan caqabado badan oo hor istaagi kartay howlahooda aan u soo qaadano tusaale waxaa wasaaradda isboortiga ka xayirtay qabashadii tartanka Horyaalka heerka labaad ka gadaal markii ay xirfad ay uga dabaalanayaan ay muujiyeen xiriirka wuxuu ku guuleystay inuu u qabsoomo tartankaasi iyadoo wasaaradda isboortiga aan wax war ah ka soo bixin marka laga reebo in madaxada xiriirka ay ku wargeliyaan in la qaban karo tartanka iyadoo dad waxgaradka isboortiga arintaasi ku tilmaameen in lagu dhameeyay xaalad ay Soomaalida u taqaan af wax cunay xishoo.
Dhanka kale hogaanka sare ee guddiga olambikada Soomaaliya ayaa muuqanaya in aysan ka hadli karin arimaha cakiran ee ka taagan xiriirka kubadda cagta iyadoo cabasho iyo codsiyo ay u soo gudbiyeen madaxda kooxaha kubadda cagta ,waxayna arintooda u muuqataa sidoo kale in ay ka daba hadli karin xiriirka iyagoo u muuqanaya inay garba duub ugu xiran yahiin xiriirka maadaama xiriirku uu yahay xiriir dhaqaale soo galo islamarkaasna wixii caqabado ah uu ku kala furdaamiyo dhaqaalaha loogu talagalay kubadda cagta Soomaaliya.
Waxaan dadka isboortiga jecel u sheegayaa in ay fiiro gaar ah u yeeshaan xaaladahan iyo garba duubka lagu haysto isboortiga .waxaana ra`yigan ku soo afjarayaa doorasho ma jirayso waayo wasaarad iyo guddi olambik nimankan hadda xilka ka dhamaaday ma u dhutinayaan mana qabanayaan doorasho xor ah.
Cali Barre Cali (Barca)
ali-br@oal.com
Minnesota
---------------------------------------------------------------------------
NB. Qormadan waxa ay u gaar tahay fikirka aqristaha ku xusan
---------------------------------------------------------------------------------------------------------
