Goormuu Dhamaan Danaysiga Isboortiga Soomaaliya?
This article was Published at: 16-03-2010 and has been viewed 1288 times
Waa salaaman tahiin bahda ISBOORTI.COM waana idinka mahadnaqayaa dadaalka baahinta horumarka isboortiga Soomaaliyeed , waxaan Ra`yigayga ku cabiraya sida uu ku dhamaan karo in lagu danaysto isboortiga :

 

1-    In la helo dad ay ka dhab tahay horumarinta Isboortiga.

2-    In la helo hogaan maamul aan ku fekirayn lunsasho hantida Isboortiga Soomaaliya.

3-    In la helo wejiyo cusub oo ka shaqeeya horumarka isboortiga.

4-    In  Isxisaabintu shaqeyso (Accountability) . 

5-    In madaxda Isboortiga aan lagu xulan qabiil iyo nin jeclaysi.

6-    In Xaquuqda ciyaaryahanka la dhowro.

Intaas ugu yaraan markii ay Soomaaliya ka dhaqangasho waxaa dhab ah in xalku meel dhow uu imaanayo oo isboortigu noqonayo mid wado hagaagsan mara, balse qodobada aan kor ku soo xusan ku ka hor imaan kara haddii ay weli sii shaqeeyaan waxaan ku jiraynaa  horumar la`aanta isboorti ee aan muddo ku soo dhex jirnay   iyadoo ay waayo aragnimo noogu filan tahay.

 

Maxamed Ibraahim [Mohib]
mohib@hotmail.com
Cairo-Egypt

 

---------------------------------------------------------------------------

 NB. Qormadan waxa ay u gaar tahay  fikirka aqristaha ku xusan

 

---------------------------------------------------------------------------------------------------------

Bookmark and Share

 





 
  © Copy Right 2009 - 2010 Isboorti.com | All Rights Reserved  
Designed, Developed & Powered by: Ileys Technology Inc.