BURCI:"Ku Talagalkeenu Waa Inaan K/Koleyga Puntland Horumarino"..
This article was Published at: 08-02-2010 and has been viewed 143105 times
DJIBOUTI: Waxaa inoo suragashay inaan xog-wareysi la yeelano Maxamed Maxamuud Cali [Burci ]oo ka mid ahaa ciyaaryahanadii hore ee Kubadda Koleyga kana tirsanaa kooxdii Somali Fruit, Haatanna ka mid ah Tababarayaasha ka qeybgalaya Tababarka Heerka 1-aad ee Kubadda Koleyga[ Coaches Clinic Course Level I ] ee ka soconaya dalka Jabuuti.


Maxamed  Maxaamuud Cali [Burci] ayaa ugu horeyn  wuxuu  sheegay in ay  ku faraxsan yahiin ka qeybgalka Tababarkan wuxuu xusay in maamulka Puntland ay  si weyn ula socdaan ka qeybgalkooda isla markaana  ay ku qanacsan yahiin sida weyn ee ay uga qeybgalayaan Tababarayaasha ka socda dhinaca Puntland.

"Qorshaha Ku talagalkeenu waa Tababarkan inaan Kubadda Koleyga Puntland ku horumarino waxaan halkan ka barano waxaana rajeynayaa anagoo kaashanaynaa maamulka Puntland, GOS iyo XSKK  inaan wax ka qabano horumarinta ciyaarta Kubadda Koleyga Puntland" sidaas waxaa ISBOORTI ugu warbixiyay mar uu ka jawaabayay su`asha waxa ay qabanayaan Tababarayaasha ka yimid Puntland marka ay dhamaystaan Course-ka Maxamed  Maxamuud [Burci] oo intaasi ku daray in haatan  ku howlanaayeen sidii kor loogu qaadi lahaa K/Koleyga  wuxuuna xusan in ay caqabad  ku noqdeen qaar ka mid ah qurba joogta isboorti ee u dhashay Puntland oo la soo baxay burburin .

"Waxaan haatan ka gudubnay  dib u dhicii ay na badeen ishaysadkii qurba joogta , waxaan ku talaabsanay sidii aan u soo saari lahayn jiil cusub inagoo ka faa`ideysanayna howlaha horumarineed GOS iyo Xiriir Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga "  ayuu ku daray Burci.

Dhinaca kale Burci wuxuu tibaaxay in ay aad uga xun yahiin website-yada qaar inay ku soo baxaan warar aan la hubsan oo sheegayay in aysan uga ka qeybgalin Puntland,  isagoo raaciyay in ay Puntland Tababarkan uga qeybgalayaan  isaga iyo Fowsiyo Maxamuud Cali oo ka mid  ahayd ciyaaryahanadii Qaranka Soomaaliyeed una ciyaari jirtay Naadiga Kubadda Koleyga  ee Horseed.

 

Isboorti Chief Editor
Said Ibrahim Hussein [BUUNA]
buuna@isboorti.com
Cell Phone:+253-626303
Djibouti-Djibouti

Bookmark and Share





 
  © Copy Right 2009 - 2010 Isboorti.com | All Rights Reserved  
Designed, Developed & Powered by: Ileys Technology Inc.