Djibouti: Xiriirka Kubadda koleyga Jabuuti ayaa ciyaar soo dhaweyn u qabtay mas`uuliyiinta Isboortiga Soomaaliyeed iyo Tababarayaal ka qeybgalaya tababar uga socda Djibouti.
Ciyaartan oo ujeedada ay xambaarsan tahay ay ahayd soo dhaweyn iyo in tababarayaasha K/Koleyga ee ka qeybgalaya Tababarka [Coaches Clinic Course level 1] in ay kaga faa`ideystaan howl loo diray [Assignment] . Waxaa ciyaartan ka soo qeybagalay mas`uuliyiinta GOS iyo ciyaaryahano hore oo magac ku lahaa isboortiga dalka.
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Koleyga Jabuuti Mr. Axmed Daahir Good ayaa u sheegay ISBOORTI ciyaartan ay tahay mid soo dhaweyn ah islamarkaasna ay aad ugu faraxsan yahiin in Jabuuti ay ku sugan yahiin inta badan mas`uuliyiinta isboortiga Soomaaliya. Wuxuuna xusay in xiriirkooda uu qeyb ka qaadanayo caawinta ciyaaraha Somalia.
Dhinaca kale ciyaar aad u xiiso badan oo la xiriirta soo dhaweynta bahda Djibouti ay u sameeyaan walaalahood isboortiga Soomaaliyeed ayaa waxay dhex martay kooxaha koleyga LAYRKA iyo GULF waxayna soo bandhigeen ciyaar aad loo xiiseeyay isla markaasna ay taageerayashii daawanayay ku reebtay in ciyaartaasi si farxad leh ugu qancaan.
Waxayna waqtigii loogu talagalay ku soo idlaatay 50-46 oo ay guusha si xarago leh ugu raacday ciyaaryahanada kooxda GULF.

Daawashada ciyaartan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Guddoomiye ku xigeenada GOS Duraan Axmed Faarax iyo Xasan Cali Cabdi [Xasan Elman], Guddoomiyaha XSKG Maxamed Xasan {Eenoow],Guddoomiyaha Ciyaarta Feerka Xaaji Colow, Kusimaha Guddoomiyaha XSCF Khadiija, Guddoomiye ku xigeenka XSKK C/Casiis Godax,Xoghaye ku xigeenka XSKK Cabdi Cabdulle Basaale,Ciyaaryahanadii hore , Calli Xasan iyo Seyga Ruushka ,C/qani jeenyo , Khabiirka R. Owino,Tababarayaasha K/Koleyga Soomaaliyeed iyo mas`uuliyiin ka tirsan Xiriirka Kubadda Koleyga Jabuuti.







Isboorti Chief Editor
Said Ibrahim Hussein [BUUNA]
info@isboorti.com
Cell Phone:+253-626303
Djibouti-Djobouti