R.Owino:"Way Mudan Yahiin Tababarkan"..
This article was Published at: 06-02-2010 and has been viewed 767 times
Djibouti: Waxaa dalka jabuuti si habsami leh uga socda Tababarka Tababarayaasha Kubadda Koleyga [Couches Clinic Course Level 1] oo ay maalgelinayso hay`adda Olympic Solidarity waxaana ka qeybgalaya 20 tababare oo ka yimid dalka Soomaaliya iyadoo uu tababarkan uu bixinayo khabiirka R.Owino.


"Tababarkan waa mid muhiimad u leh tababarayaasha Kubadda Koleyga Soomaaliyeed waxaana  rajadeenu tahay inaan si wanaagsan ku dhameyno" sidaas waxaa ISBOORTI u sheegay  Mr. R owino oo intaasi ku daray  in haatan ay qaateen tababarayaasha la tababarayo  casharo  asaasi ah,wuxuu xusay inuu dareemay inay yahiin kuwo ku haboon in ay wax sii gudbiyaan.

"Waxaan danaynayno ma`aha inaan  tababarno 20 qofood , lakiin waxaan ka sugaynaa  inay sameeyaan kumanaan  ciyaaryahan oo ku haboon ciyaartan Kubadda Koleyga . Taas ayaana noqon karta wax iyaga Taariikhda u gasha  magac iyo sumcad u keenaysa Xiriirka Kubadda Koleyga iyo guud ahaan Isboortiga Soomaaliya.

Sidoo kale  R. Owino  oo u dhashay dalka Kenya ayaa wuxuu  tibaaxay  in tababarkan uu bixinayo uu yahay mid la jaanqaadi kara Kubadda Koleyga Dunida  , wuxuuna xusay in Tababarka uu ku bixiyo qaab Theory iyo Practical.

Ugu danbayn Khabiirka R. Owino oo tababaraya Tababarayaasha Kubadda Koleyga Soomaaliyeed ayaa wuxuu tibaaxay inuu ku  qanacsan yahay qaabka farxadda  iyo wanaagga leh ee uu u soconayo tababarkan.  






 

Isboorti Chief Editor
Said Ibrahim Hussein [BUUNA]
info@isboorti.com
Cell Phone: +253-626303
Djibouti-Djibouti

Bookmark and Share





 
  © Copy Right 2009 - 2010 Isboorti.com | All Rights Reserved  
Designed, Developed & Powered by: Ileys Technology Inc.