Tababarka Tababarayaasha K/Koleyga Soomaaliya Oo Ka Furmay Djibouti
This article was Published at: 04-02-2010 and has been viewed 2660 times
Djibouti: Magaalada Djibouti waxaa si rasmi ah uga furmay tababarka Tababarayaasha Kubadda Koleyga heerka 1-aad [Coaches Clinic Level I] oo ay soo qabaqanqabisay Olympic Solidarity.


Xaflad si heer sare loo soo agaasimay  kuna saabsan furitaanka tababarkan ayaa  waxaa ka soo qeybgalay mas`uuliyiint sare ee wasaraadaha isboortiga Jabuuti iyo Somalia iyo dhinaca mas`uuliyiinta ugu sareysa Olambikada labada  dal iyo mas`uuliyiin ka tirsan Xiriirada Kubadda Koleyga iyo Kubadda Gacanta.

Ugu horeyn  waxaa  halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga Olambikada Somaaliyeed Aaadan Xaaji Yabaroow [Wiish]  oo ka hadlay dadaal ay u galeen taabagelinta tababarkan oo uu sheegay in ay GOS kala kaashadeen Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga  iyo  Olympic Solidarity  oo maalgelisay tababarkan  wuxuuna u mahadceliyay mas`uuliyiinta isboortiga jabuuti oo uu sheegay in ay mar walba hiil iyo hooba ay la garab taagan yahiin walaalahooda Soomaaliyeed . wuxuuna kula dardaarmay tababarayaasha tababarkan qaadanaya in ay ka faa`ideysataan  fursadan qaaliga  isla markaasna ay noqdaan kuwo wax u tara dadkooda. Dhanka kale Guddoomiyaha GOS  ayaa ugu mahadceliyay shirkadaha  ganacsiga ee Jubba Airways iyo Qaran Express oo gacan muhiim ah ka qaatay habsami u socodka tababarkan.

Macalin R. Owino  oo Tababaraha tababarayaasha kubadda Koleyga Soomaaliyeed ee tababarkan u  socda ayaa wuxuu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay inuu  arko tababarayaal  21 garaya oo isugu jira rag iyo dumar  oo u diyaarsan in ay ka qeybqaataan  horumarinta ciyaaraha kubadda koleyga  isagoo u balan qaaday tababarayaasha inuu u gudbin doono  aqoonta  uu u leeyahay dhinaca tababarka Koleyga isagoo xusay in tababarkiisu ku salaysan yahay hab la jaanqaadaya Basketball-ka Dunida. Wuxuuna amaan u soo jeediyay  isboortiga labada wadan ee Somalia iyo Djibouti .

Wasiirka Dhallinyarada  iyo Isboortiga  Khadiijo  Maxamed  Diiriye ayaa ugu horeyn waxay mahadcelin u soo jeedisay dowladda iyo dadka Djibouti waxay sheegtay in ay aad ugu mahadcelinayaan sida  u gacansiyaan Isboortiga Soomaalida gaar ahaan  dhinaca Isboortiga  waxayna  ku dheeraatay  Djibouti ay noqon doonto xarun labaad oo ay wasaaradda isboortiga ka wado  howlaheeda, waxayna u mahadcelisay macalinka u dhashay dalka Kenya ee Mr. R. Owino .

Ugu danbayn waxaa halkaasi ka hadlay Wasiirka Isboortiga Djibouti  Xasna Barkad Daa`uud  oo ka dhawaajisay in ay farxad weyn u tahay dhiirigelinta horumarka Somalia iyadoo u balanqaaday Isboortiga Soomaaliyeed inay gacan  mar walba dowladeedu gacansiin doonto . Xasna  barkhad ayaa waxaa ay ammaan u soo jeedisay wasaaradda isboortiga iyo GOS  iyo Xiriirka Soomaaliyeed  ee kubadda koleyga doorka ay ka qaadanayaan horumarinta Isboortiga  .

Waa  markii labaad tababar  Caalami ah  oo ay ka qeybqaadanayaan tababarayaasha K/Koleyga   oo heerka 1-aad waxaana kani uu uga duwan yahay iyadoo lagu qabanayo meel ka baxsan dalka.
















Isboorti Chief Editor
Said Ibrahim Hussein [BUUNA]
info@isboorti.com
Cell Phone: +253-626303
Djibouti-Djobouti

Bookmark and Share





 
  © Copy Right 2009 - 2010 Isboorti.com | All Rights Reserved  
Designed, Developed & Powered by: Ileys Technology Inc.