Ciyaartan oo aad u xiiso badnayd ayaa waxaa ay ahayd mid kubilaabatay dardar aad u xoog badan oo labada xulka ay kusoo bandhigeen ciyaarfarsamo ku dheehanwaxayna inta badan ciyaartu ahayd midweerar iyo weerar celisoo labada kooxoodba ay muujinayeen dadaal ay gool ku helaan, Balse ciyaaryahanada xulka Soomaaliya ayaa ciyaarta qeybihii danbe la wareegay maamulka ciyaarta iyagoo soo bandhigay ciyaar xirfad ku dheehan oo ay weeraro is dabajoog ah ku qaadeen goolka dalka Jabuuti iyadoo fursado gool loo filan karay ay qasaariyeen ciyaaryahanada xulka Soomaaliya .
Daqiiqadii 78 ee ciyaarta xulka Soomaaliya oo ka faa`deysanaya weerarada lixaadka leh oo ay ku qaadeengoolka jabuutioo ciyaaryahanadooda daafacgalay waxaau suragashay in ay helaan Soomaaliya gool aad u qurux badan oo ah si cajiib leh ay jaanta iskula heleen ciyaaryahanada Anwar, Xasan Babaayiyo C/casiis Homey oo markaasi u hadiyeyay kubadda ciyaaryahanka khadka dhexe Cusmaan Yuusuf Cusmaan [Aayarta]oo si xarago leh u dhaafiyey goolhayaha Jabuuti.
Ciyaarta inta ay socotay waxaaciyaarta laga saaraymid ka mid ah ciyaaryahanadaJabuutiMaxamed Cabdi Cilmi {N0.13}ka dib markii uu mutaystay kaarka cas (Red Card) .
Guud ahaan Ciyaarta ayaa waqtigii loogu talagalay ku soo idlaatay 1-0 oo ah guusha kula hoyatay Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya iyadoo ciyaarta labaad ay xulka Soomaaliya la Kulmi doonaan Xulka Tanzania bisha March.
Ciyaartan ayaa daawashada waxaa ka soo qeybagalay wasiirka isboortigaXasna Barkhada Daa``uud Sii hayahasafaaradda Soomaaliya ee JabuutiC/raxmaan Maxamed Hiraabe, Guddoomiyaha GOS Aadan Xaaji Yabaroow [Wiish], Xoghayahaguud ee GOS C/laahi TarabiGuddoomiyaha XSKC Saciid Maxamed Nuur Mugaanbe, ciyaaryahankii horeJeenyo Seyga Ruushka, marti sharaf kala duwan iyo taageerayaasha kubadda cagta ee labada wadan ee Soomaaliya iyo Jabuuti.