ATLANTA: Xoghayihii hore ee Guddiga Olombikadda Somaaliyeed ahna Gudoomiyaha Guddiga Isboortiga iyo dhaqanka Mudane Dr.Cali Cusmaan Cali ayaa waxa uu casuumad u sameeyey khubaro Isboorti oo kula nool Magaaladda Atlanta oo kala ahaa Mr. Mike Spino oo tartankii Olympigadda ee 1984tii la shaqeeyey kooxdii Soomaaliyeed ee tartankaa ka qayb gashay iyo Ron Davis oo isna Somalia ka soo shaqeeyey barisamaadkii oo haddana faraha ku haya Barnaamijka Atlanta Plan oo ay abaabul xoog badan ugu jiraan sidii loo hirgelin lahaa iyago kala kaashadda khubaro Isboorti oo ku kala nool addunyadda dacaladeeda kala duwan.
Waxa kaloo xafladaasi ka soo qayb galay Ciyaaryahano Soomaaliyeed ee noocyadda kala duwan ee Ciyaaraha.
Ugu horeyntii halkaa ka hadlay Mr. Ron Davis oo u mahadceliyey intii suurtagelisay Xafladaani, Waxaana uu sheegay in ay aad iyo aad ugu faraxsanyihiin in ay shaqo Isboorti ay la wadaagaan Soomaalidda ku nool Atlanta oo uu ugu horeeyo Dr.Cali Cusmaan Cali.
"Tartankii dhawaan lagu qabtay Magaaladda Nashville oo uu sawiradii laga sameeyey u noo soo diray Gudoomiyaha Isboortiga Dr.Cali uu aad iyo aad noo farxad geliyey,taa oo aan dooneyno in aan mid kaa la mid ah aanu ku qabano Jaamacadda CLARK UNIVERSATY waxayna taa haddi ay suurta gasho ay noqoneysaa talaabadii ugu horeysay uu ATLANTA PLAN uu qaado,arrintaana waxaan hore uga wada hadalnay Mr. Cali Cusmaan oo hore aan Soomaliya ka soo wada shaqeynay" sidaasna waxaa sheegay Mr.RON .
Sidoo kale waxaa isna ka hadlay Miko Spino oo muddo dheer ka soo shaqeeyey horumarinta Olymbikadda waxaana uu carabka ku dhuftay " Somalia waa Dowladda Afrikaan ah oo aad u xiiseyneyso hirgelinta Barnaamijka ATLANTA PLAN, waxaana taa mahadeeda iska leh Dr.Cali Cusmaan oo diyaar u ah in uu albaab kastaba u garaaco sidii ay Ummadda Soomaaliyeed safka ka geli laheyd barnaamijkaas isaga ah Mr. Ron Davis iyo anigaba waxaan diyaar u nahay in aan qayb wayn ka qaadano sidii aanu u hirgelin laheyn Riyadda Dr.Cali Cusmaan" sidaasi waxaa si qiiro leh u yiri Miko Spino.
Intaa ka dib waxaa khubad taarikhi ah jeediyay Xoghayihii hore ee Guddiga Olimpigadda Soomaaliyeed Dr.Cali Cusmaan Cali isagoo marka hore u mahadceliyey ka soo qayb galayaasha xafladda Casumaadda wuxuuna sheegay "Barnaamijka ATLANTA PLAN wuxuumuhiimad balaaran u leeyahay wadamadda soo koraayo madaama uu diiradda saaraayo waxyaabaha ay ka mid yihiin Arrimaha Bulshadda sida Waxbarashadda iyo Isboortiga,Siyaasadda iyo arrimaha Dhaqaalaha,taa waaye midda nagu qasabtay in aanu diiradda saarno barnaamijkaas isaga ah" sidaasi waxaa yiri Dr Cali Cusmaan oo raaciyay in ay codsanayaan in aqoonyahanadda meel kastoo ay joogaan ay soo dhiciyaan arrimaha waxtarka leh ee saameynta wanaagsan ku yeelan kara wadankeenu burburay.
"Waxaana habeen sii horeeyey aan la hadlay Farshaxanka caan ah ee Amiin Caamir waxaan ka codsaday in Jaamcadda CLARK UNIVERSATY uu ku soo bandhigo sawir gacmeedyo muujinaayo dhibaatadii soo gaartay Ummadda Soomaliyeed 20 sano aanu ku jirnay jahwareerka iyo is dilka si addunka aanu u tusno baaxadda ay leedahay dhibaatadda ay soo martay Ummdda Soomaaliyeed, laakiin waxa aad iyo aad ii farxad geliyey markii Amiin Caamir uu dhawr jeer ku soo celceliyey HAA, HAA, isagoo sii raaciyey in wax alla wixii Ummadda Soomaaliyeed lagu badbaadinaayo uu diyaar u yahay" sidaas waxaa si looga dareemayay qiiro iyo wadaninimo u yiri Dr. Cali Cusmaan oo ku soo gabagabeeyay ummadda inuu kula dardaarmayo in bal markaan loo jeesto nabad is cafin iyo horumar.




Isboorti Editorial News Desk
