CAIRO: Waxaa si habsami leh bishan 4-7 ugu qabsoomay magaalada Qaahira ee dalka Masar shirweynaha Xiriirada K/Koleyga Jaamacadda Carabta, waxaa shirkaasi Soomaaliya uga qeybgalay Xoghayaha guud XSKK Eng. Baana Cali.
Shirweynahan oo ay aheyd in aan ka soo wada qeybgalaan 22-ka wadan ee ka tirsan wadamada carabta balse waxaa ka soo qeb gashey 18 wadan, waxaana ka maqnaa wadamada ay ka mid yihiin Jordan, Iraq, Mauritania iyo Comoro Irelands.
Waxaana halkaasi lagu doortay guddoonka XKKJC waxaana xilkaasi mar kale loogu doortay Amiir Talal bin Badar bin Saud bin Abdulaziz , wuxuuna doorashadaasi ka dib Amiirka kulan gaar ah la qaatay Xoghayaha guud Eng Baana Cali isagoo ugu hambalyeeyay doorka wacan ee XSKK wuxuuna ku ammaanay ka qeybgalkii tartanka dhallinyarada U18 ee ka dhacay dalka Morocco isagoo tilmaamay in dadaal balaaran ay muujiyeen Soomaaliya xilli ay marxalad xun uu ku jiro dalka.
Kulankan Taariikhiga ah ee ay yeesheen Xoghayaha XSKK Eng. Baana mas`uuliyiinta sare ee XKKJC guddoomiyaha Prince Talal iyo Gudoomiye ku xigeenka koowaad Ismail Abdulah iyadoo arimo xasaasi ah lagu lafaguray shirkaasi islamarkaasi Eng. Baana uu ka warbixiyay waxqabadka K/Koleyga Soomaaliya isagoo tilmaamay inay jiraan baahi loo qabo dayactirka garoomada, qalabka iyo are u qaadidda aqoonta tababarayaash iyo garsoorayaasha .
Guddoomiyaha Xiriirada K.K.J/Carabta ayaa tibaaxay in ay wax badan ka qeybqaadan doonaan horumarinta ciyaaraha K/Koleyga Soomaaliya isla markaasna ay joogtayn doonaan xiriirka guud ee labada dhinac.

"Waan aqbalnay in aan idinka caawinno [Somalia] tartamada jaamacadda carabta in aan bixino Tikidhada , lacagaha Fee-ga ee sida Hotel-ka iyo cunada cayaaraha inta ay socdaan" sidaas waxaa ku balan qaaday Amiir Talal Guddoomiyaha XKKJ/Carabta oo ka jawaabayay codsiga Xiriirka Kubadda Koleyga Soomaaliya ee uu jeediyay Xoghayaha guud Eng Baana Cali oo ka dalbaday in Soomaaliya la caawiyo maadaama aysan haysan Xiriirkooda wax Sponsorship ah .
Si kastaba, waa guul Taariikhi ah oo u soo hoyatay Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga oo ku talaabsaday muddo labatan sano ka dib inuu dib usoo celiyo xubinimada K/Koleyga Jaamacadda Carab.
Isboorti Editor
Said Ibrahim Hussein (BUUNA)
buuna@isboorti.com
Cell Phone: +2526-2-272145
+2525-982912
Mogadishu-Somalia
