Hanti la wadaagaha kooxda Liverpool George Gillett safarkii uu ku tegay Saudi Arabia wuxuu u muuqdaa inuu miro dhalay ee uu kula kulmay shirkadda maalgashiga ee F6 isagoo sheegay inuu wadahadalada lagu iisbsanayo qeyb ka mid ah saamiga uu intiisa badan soo gabagaboobay.
Amiir Faisal bin Fahad bin Abdullah Al-Saud ee ah madaxa F6, waxaa jiray warbixino badan oo tibaaxayay inay wadahalado dhex mareen Amiir iyo Gillett oo socday todobaayadan .
Tani waxay ku hogaaminaysaa warar badan oo aan xaqiiqo ahayn oo sheegaya in Gillett diyaar u yahay inuu ka iibiyo saamiga uu ku lahaa Anfield Amiirka, sidaas daraadeed labada dhinac waxay sheegeen in wadahadalada u dhaxeeya labada nin inta badan la xiriireen aasaasidda xarunta brashada dhallinyarada ee Bariga Dhexe .
Si kastaba , Sky Sports News ayaa iminka warinaysa in F6 ay soo saartay warbixin qoraaleedkan: " Wadahadalkeena inaan iibsano saamiga Liverpool waa ay socdaan. Kulamadana waa la qorsheeyay, waxaa laga yaabaa inay soo gabagaboobaan maalmaha soo socda."
Saciid BUUNA, Isboorti.com
buuna@isboorti.com

