Ronaldinho Oo Iska Fogeeyay Ka Fadhiisiga K/Cagta
This article was Published at: 22-09-2009 and has been viewed 193822 times
Xiddiga kooxda Milan Ronaldinho ayaa iska fogeeyay inuu danaynayo inuu ka fadhiisto ciyaaraha kubadda cagta .


Wargeysyada  Sport  ee Spanish-ka ayaa daabacay xiddigan reer Brazil inuu kabiisa uu meel isaga tiirin doono . Si kastaba, 'Dinho' ayaa warbixintay waxay ku keentay jahawareer.

 

Qoraal  lagu qoray webiste-kiisa ayaa u qornaa, "Wargeysyada SPORT ee  Spanish-ka Waxa ay qorayaan waa wax iga dhan ah  September 2009 cadadkii soo baxay,  Anigu ma daneynayo xilligan inaan ka fadhiisto ciyaaraha.

 

"Wararka  wargeysyadu qoreen waa kuwo dhalanteed ah .Kubadda cagta waa mid aan sida weyn ugu raaxaysto waana ku faraxsanahay in aan u ciyaaro  AC Milan iyo  sidoo kale naadiyadii  hore aan u soo maray.

 

"Waxa ay baahinayaan waa wax aan aqbali karin , illaa xilligii aan ku sugnaa Barcelona waxa ay iga qorayeen wax aan jirin oo been ah waa inay soo xigtaan ilo run ah ugu yaraan .

 

"Waxaan taageerayaasheeda ku wargelinayaa inaysan dheg jalaq u siin wararkaan been abuurka ah , waxaan  qof kasta u xaqiijinayaa in heshiiska aan kula jiro milan uu dhamaan doono 2011 waxaan go`aankeyga yahay inaan joogo halkan illaa waqtigaas . ciyaartoyda kooxda iyo aniga waxaan ku dagaalami doonaa hanashada horyaalka .

 

Milan waxay u safri doontaa Udinese habeen danbe, Ronaldinho  ciyaarta ayuu la bilaabi doonaa .

 

Saciid BUUNA, isboorti.com

 






 
  © Copy Right 2009 - 2010 Isboorti.com | All Rights Reserved  
Designed, Developed & Powered by: Ileys Technology Inc.