Puntland oo Martigelineysa Cayaaraha Gobalada
This article was Published at: 29-08-2009 and has been viewed 158603 times
Maamul gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa markii labaad muddo ka yar 10 sanadood waxaa uu marti gelinayaa cayaaraha olombikada gobalada dalka Soomaaliya oo dabayaaqada sanadkan ka dhici doona Garowe.


Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee GOS ee xiriirka caalamiga ah Duran Axmed Faarax oo wafdi uu hogaaminayay uu dhawaanahanba ku sugnaa gobalka Puntland ayaa maanta shaaca ka qaaday in masuuliyiinta maamulka Puntland iyo guddiga Olombikada Soomaaliyeed ay isla garteen cayaaraha gobalada in dabayaaqada sanadkan lagu qabto Puntland.

Wafdiga GOS oo uu hogaaminaayey guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee GOS Duran Axmed Faarax ayaa waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Siciid Maxamuud Nuur Mugaabe, ku xigeenkiisa Cali Saciid Guuleed iyo xoghayaha guud cabdi Qani Saciid Carab, waxaana intii ay Puntland joogeen ay kulamo la yeesheen masuuliyiin kala duwan oo uu ugu horeeyay wasiirka isboortiga Puntland Maxamed Cabdi Nuur.

Intii ay kulamadu socdeen ayaa waxaa lagu falan qeeyay sidii GOS iyo xiriiradeedu ugu faafin lahaayeen sportiga waddanka oo idil, islamarkaana howlaha horumarineed iyo cayaarahaba lagu qabto deegaanada haatan xasiloon oo suuragalka ay tahay in bulshada isboortiga la isugu geeyo.

Madaxweynaha maamul gobaleedka soomaaliyeed ee Puntland Dr. cabdiraxmaan Maxamuud Faroole oo madaxda GOS ay la kulmeen ayaa si weyn usoo dhaweeyay fikrada dhaxal galka ah ee guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo xiriiradiisuba ay soo bandhigeen, waxaana uu sheegay in intii karaankooda ah ay gacan ka geysan doonaan horumarinta dhaq dhaqaaqyada isboorti ee Soomaaliya.

Kulankan oo ka dhacay madaxtyooyada magaalada Galkacyo ayaa waxaa madaxweyne faroole ku wehlinayay ku xigeenkiisa Abdisamed Ali Shire, wasiiro iyo saraakiisha amniga, waxaana maamulka Puntland uu sheegay in uu diyaar u yahay marti gelinta wufuuda iyo cayaartoyda ka kala socota 15 gobal iyo bahweynta isboortiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa.

Guddoomiye ku xigeenka GOS Duran oo ku hadlayay magaca guddoomiyaha GOS Aadan Xaaji Yabarow (Wiish) ayaa sheegay in GOS ay fursad siineyso gobalada nabdoon sida Puntland oo kale laakin iyagana looga baahan yahay in ay gacan buuxda siiyaan GOS iyo xiriiradeeda taas oo madaxda Puntland ay balan-qaadeen.

Wafdigan ayuu qorshuhu ahaa in uu hogaamiyo guddomiyaha GOS mudane wiish laakin waxaa uu soo wakiishay ku xigenkiisa 1-aad sababo la xariira kulamo uu haatan la leeyahay jaaliyadaha isboortiga Soomaaliyeed ee ku nool qaarada Yurub,safarkan oo qeyb ka ahaa qodobadii lagu gaaray shir weynihii doorashada GOS ee jabuuti ka dhacay bishii Maarso.

Madaxweynaha iyo dawladdiisuba waxay aad usoo dhaweeyeen arinkaan ayna ballan qaadeen in ey dusha u ridanayaan wax kasta oo dhankooda looga baahdo, sidoo kale waxay aad usoo dhaweeyeen martigalinta cayaaraha gobolada, iyagoo ka qeyb galka jaaliyadaha dibadana ku tilmaamay talaabo aad loogu farxo.

Waxaa ay ahay sanadkii 2000 markii cayaarihii ugu dambeeyay ee olombikada gobalada dalka lagu qabtay magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, waxaana ay Puntland u noqoneysaa markii labaad muddo ka yar 10 sanadood.

Somali NOC Media Department

 





 
  © Copy Right 2009 - 2010 Isboorti.com | All Rights Reserved  
Designed, Developed & Powered by: Ileys Technology Inc.