Ardeyda Soomaaliyeed Ee Sudan Oo Sagootiyay Xulka Qaran U17.
This article was Published at: 26-08-2009 and has been viewed 138321 times
Khartoum. Ardeyda Soomaliyeed ee dalka Sudan ayaa sii sagootiyay Xulka Qaranka Somalia (Under 17) oo kaqeebgalayey tartamada ciyaaha (CECAFA) iyagoo yimid dalka sudan 19-ki bishan isla markaana waxay kulama layeesheen xulalka Malawi,Sudan,iyo Tanzania iyagoo guul darro kala kulmay dhammaan kulamada ay ciyaareen.

Xulka Qaranka Soomaalida ayaa qaab ciyaareedkooda aad u wanaagsanaa balse taas macneheedu ma ahan in ay natiijo ka keeneen kulamada ay ciyaareen, kulankii ugu dambeeyay oo ay la ciyaareen xulka Tanzania ayaa waxa ay sababtay in ay ka haraan tartamada ciyaaraha iyagoo boorsooyinkooda u urursaday dalka Soomaaliya.

Ardayda Soomaalida Sudan ayaa soo dhaweeyay islamarkaana taageerayay inta ay joogeen dalkan Sudan sidoo kale xalay oo ku beegneed 24 bishan ayaa ardaydu waxa ay sii dhaweeyeen xulka iyagoo aad ugu  xumaa haritaanka ay ka hareen tartanka iyagoo runtii filayay in ay kasoo gudbaan wareega 1aad ee ciyaaraha balse ma aysan noqon sida ay ku taamayeen oo xulka kubadda cagta Soomoaliya wuxuu haray isagoo aanan xitaa aanan barbar dhac gelin.

Balse ardayda reer Sudan ayaa waxa ay ku amaaneen maamulka xiriirka kubadda cagta ee soomaaliya , macalimiinta iyo ciyaartoyduba ka qeyb galka ay ka qeyb galaan tartamada  ka dhaca qaaradda Africa ha noqoto mida bariga iyo bartamaha Africa amaba mida CECAFA waxa ayna tilmaameen in arin lagu amaano ay tahay in soomaaliya ay ka muuqato tartan kasta oo ay isugu yimaadaan dalalka Africa, iyadoo la ogyahay in dagaalo daba dheeraaday ay ka jiraan dalka Soomaaliya oo xitaa aanan jirin garoomo ay ku almiiteeyaan amaba ay tababar ku sameeyaan ciyaartoyda ka hor inta aanay soo aadin tartamada oo ka dhacaya banaanka dalka Soomaaliya, taasoo inta badan sabab u noqota in ay horey kasoo haraan xulka Soomaaliya maadaama uu aad u liitay diyaar garowgooda kahor ciyaaraha ay ka qeyb galayaan.

Dad badan oo ay ka mid yihiin ardayda  Soomaaliyeed ee dalka  Sudan waxa ay aamin sanyihiin in haddii la helo amni iyo meelo ay tababar ku sameeyaan ciyaartoyda ka qeyb galaya tartamada ka dhacaya dibadaha in ay natiijo fiican kasoo hooyi doonaan.

Ugu dambeyntii ardayda reer Sudan waxa ay si farxad leh usii dhaweeyeen xulka qaranka Soomaaliya kuwooda da`dooda ka hooseesa 17 jirka iyagoo u rajeeyay in ay natiija fiican kasoo hooyi doonaan tartamada soo socda.

Xuseen Nuur Xaaji (Nasiib)
huseinnur@hotmail.com
Nasib_10@yahoo.com
Khartoum - Sudan





 
  © Copy Right 2009 - 2010 Isboorti.com | All Rights Reserved  
Designed, Developed & Powered by: Ileys Technology Inc.