Ciyaaryahanka Soomaaliyeed Ma Xuma Ee Maamulka Ayaa Ku Xun .
This article was Published at: 12-08-2009 and has been viewed 11104 times
Marka aad ugu horeyn isha la raacdo cinwaanka faaladan ayaa waxaa isweydiintaadu noqonaysa inaad u baahan tahay jawaab si weyn looga baaraan degay isla markaasna lagu sameeyay baaris taariikh qoto dheer oo ku qotonta isboortiga Soomaliya.


Inta badan dadka Soomaaliyeed ee sida weyn u xiiseeya  isboortiga  noocyadiisa kala duwan  ayaa waxay mudooyinkan isweydiiyaan  waxa ciyaaryahanka Soomaaliyeed ka hortaagan horumar dhinaca ciyaaraha  sida ay horumar ugu talaabsadeen ciyaaryahanada haatan caalamka ka jira  oo magac iyo maalba ku kasbaday heerka xirfadda ciyaarahooda.

 

Waxaa soo baxday in ciyaaryahanka Soomaaliyeed  la iska indho tiro waxtarkiisa iyo sida looga faa`deysan lahaa  hamiga uu ka leeyahay ciyaaraha  si xirfadiisa  uu ugu  soo bandhigo  garoomada caalamka , waxaad arkaysaa in ay afka dadka Soomaalida ka soo baxaan ereyo ay ku liidayaan in ciyaaryahanka Soomaaliyeed horumar uusan ku talaabsan  karin ay tahay  jimicsi iyo waqti dhumis uu ciyaaryahanka Soomaaliyeed  ku jiro.

 

Ereyada ka soo baxaya waxmagaradka ka soo horjeeda horumarka isboortiga Soomaaliyeed una muqanaysa mid hoos loogu dhigayo  hamiga niyadda halyeeyo fara badan oo u soo bixi lahaa wadanka ayaa waxaa ay tahay mid si xowli ah ku soconaysa , si middaas  u noqoto mid daciifta waxaan rabaa in bahweynta isboortiga u soo bandhigo Taariikh kooban oo halyeeyada isboorti ay ka galeen Taariikhda isboorti si weyna loo xasuusto bal jaleec taariikhaha isboorti ee magaca iyo maamuuska soo hoyay  baalka dahabigana dadka Soomaaliyeed ugu qoran ee halyeeyada ay ka mid yahiin marxuum Cabdulle Waasuge iyo Cabdi Bile Cabdi.

 

Halyeeyada aan kor ku soo xusay iyo kuwo kale oo  dalalka Caalamka ka ciyaara ama ka xamaasha una matala wadamadooda waxay yahiin Soomaali  ma` aha dad kale waan wada ognahay  waxtarkooda iyo dadaalkooda geesinimada leh ee ay ka muujiyaan garoomada Caalamka bal u fiirso ciyaaryahanada ciyaaraha fudud oo ay iminka ku faanaan dalalka  ugu waa weyn sida Ingariiska,Mareykanka iyo dalal  ka mid ah carabta ,sidoo kale waxaa jira ciyaaryahano dhinaca Kubadda Cagta,Kubadda Miiska  iyo Kubadda Koleyga  oo iyaguna ay si weyn loola wareegayo  ka dib markii dalalkii ay joogeen  ee horumaray arkeen waxqabadkooda isboorti iyagoo durba ciyaaryahanka Soomaaliga ku soo jiidanaya dhaqaale iyo  dhalasho ay  siyaan ka dibna ku ciyaarsiiya magaca  wadankooda si ay ugu soo hoyaan sumcad isboorti.

Ma kula Muuqataa haddii aad tahay qof ka damqanaya dib u dhaca , horumar la`aanta isboortiga Soomaaliya  in ay tahay meel ka dhac ama gef weyn oo laga galayo ciyaaryahanka Soomaaliyeed marka la leeyahay  guul ma gaarayaan ciyaaryahanada Soomaaliyeed ee calanka un ha geeyeen fagaarayaasha caalamka , Haddii ciyaaryahanka Soomaaliyeed uu helo  tababar wanaagsan , deegaan nabdoon oo wax walba oo tashiilaad isboorti u dhan tahay haddii uu helo maamul u damqada  ciyaaryahanka ka dhiidhiinaya guuldarada , dhiirigelinaya horumarkiisa  waxaa hubaal  noqonaysa  in ay  soo baxayaan ciyaaryahano ay ku faanaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed islamarkaasna u horseeda dadkooda magac iyo maamuus halkaasina ku beenoobi doonto hadalada raqiiska ay meelaha la fadhiyaan kuwo aan rabin horumarka isboortiga Soomaaliya ,waxaase  qormadan  ku soo gabagabaynayaa  ciyaaryahanka  Soomaaliyeed ma xuma  ee  maamulka  ayaa ku xun ciyaaryahankeena waxay noqon karaan kuwo aan ku tashano guulo ay soo hoyaan balse aan dhiirigelino maamul wanaag aan kula dhaqano.

 

www.isboorti.com

Saciid Ibrahim Hussein (BUUNA)

buuna@isboorti.com

+2525-982912
+2526-2-272145
Mogadishu-Somalia





 
  © Copy Right 2009 - 2010 Isboorti.com | All Rights Reserved  
Designed, Developed & Powered by: Ileys Technology Inc.