Waxaa laga joogaa in ka badan sanad masiibadii ka dhacday garoonka Felix Houphouet Boigny ee ku yaala magaalada Abidjan, Xiriirka Caalamiga ee Kubadda Cagta FIFA ayaa ku dhawaaqday inay caawini doonto dhibanayaashii ku waxyeeloobay iyo qoysaskooda.
Xaflad ay si wada jir ah u soo qabanqaabiyeen xiriirka kubadda cagta ee Ivorian-ka (FIF) iyo Xafiiska horumarinta FIFA ee Abidjan , waxaana lagu guddoonsiin doonaa qoysaskii ku dhintay garoonka iyo kuwo ay asiibtay dhaawacyada qatarta ah.
Warar laga soo xigtay xiriiriyaha dhinaca horumarinta ee Xiriirka Kubadda Cagta Ivorian-ka [FIF] xafiiskooda Cote D`Ivoire, Mr. Sampon Kablan, ayaa sheegay in xafladda lagu qaban doono xarunta FIFA 3da bisha August saacadda 11:00 GMT.
Bishii March 29, 2009, intii lagu jiray kulankii ka tirsanaa isreeb reebka qaramada Afrika ee Koobka Aduunka ee ka dhacday garoonka Felix Houphouet Boigny kaas oo isaga hor yimaadeen Cote D`Ivoire iyo Malawi, 20 qofood ayaa ku geeriyootay waxaana ku dhaawacmay 135 noloshooda ayaaa qatar gashay ka dib markii ay ku tunteen boqolaal taageere oo ka ku cararayay albaabka garoonka ka dib markii uu dumay darbi dhererkiisu yahay sideed feet ee ka samaysnaa bulkeetiga.
FIFA ayaa cunaqabataysan dowladda Ivorian-ka iyo Xiriirkooda Kubadda Cagta [FIF ] nabadgelyo xumida qiyaasta garoonka, warar gudaha laga helay waxay cadeeyeen in caawiyeyaashii kulankaas iyo saraakiisha nabadgelyada inay iska barbar iibinayeen Tikidhada ciyaartaas tasoo xad dhaaf ka dhigtay dadka kasoo qeybgalayay. Labaatameeyo ayaa lagu soo oogay danbe waxaana loo taxaabay xabsiga.


ISBOORTI Cheif Editor
Said Ibrahim Hussein [BUUNA]
buuna@isboorti.com
Cell: Phone: +2526-99-982912
Mogadishu - Somalia
