Madaxa naadiga Inter Milan Massimo Moratti ayaa qorsheynaya wada hadalo dheeraad ah inuu la Manchester City maalinta Isniinta ah iyagoo ka wada hadlaya heshiiska Mario Balotelli.
City ayaa isku dayaysa inay kooxda ku soo biiriso weeraryahankan da`da yar , lakiin lama aysan gelin wax heshiis ah kooxda iyo ciyaaryahankaba .
Warbixinada ka imaanaya Italy ayaa tibaaxaya in City ay ciyaaryahanka Balotelli ku yaboohayso si kama danbays ah adduun dhan 30million Euro oo u dhiganta 25m Pound illaa 27m Euro oo u dhiganta 22.5m Pound , lakiin weli lama kulmin shaqsi ahaan ciyaaryahanka iyo doonistiisa.
Wakiilka Balotelli ayaa shaaca ka qaaday in ciyaaryahanka uu ku jahawareeray dhamaystirka heshiiska wuxuu sheegay inuu danaynayo in la soo gabagabeeyo iyadoo ay u muuqato in wadahadalka iminka uu qaadano sii socoshadiisa dhamaadka todobaadkan ka dib.
Moratti ayaa xaqiijiyay inaan weli heshiis la isla meel dhigin ,lakiin ay diyaarinayaan inuu heshiis rasmi ah uu ugu dhaqaaqo Inter ciyaaryahan Balotelli .
"Si Balotelli ugu dhaqaaqo Man City, anagu ma hayno heshiiska rasmi ee naadiga," ayuu u sheegay Moratti Sky Italia .
"Waxaan si gaar ah ugu wada hadlaynaa arintan Isniinta , waxaana isku dayaynaa inaan helno heshiis qeexan oo dhinaca kooxda Ingariiska ."


ISBOORTI Cheif Editor
Said Ibrahim Hussein [BUUNA]
buuna@isboorti.com
Cell: Phone: +2526-99-982912
Mogadishu - Somalia
