Sami Khadira oo Biiray Real Madrid
This article was Published at: 31-07-2010 and has been viewed 1118 times
Xiddiga da`da yar ee khadka dhexe kooxda Stuttgarts Sami Khedira oo si weyn loola xiriirinayay kooxda Real Madrid ayaa iminka la xaqiijinaya inuu si rasmi ah ugu biiray isagoo heshiis shan sano ah kula joogaya kooxda Merengues-ka.

 

Agaasimaha ciyaaraha Fredi Bobic oo hore u shaaciyay inaysan si sahlan u iibin doonin ciyaaryahankan ayaa iminka waxaa uu sheegay inaysan indhaha ka qabsanayn  riyadii Khaderi uu ku doonayo inuu ugu dhaqaaqo kooxda Real Madrid, wuxuuna sheegay inay u rajeynayaan horumar uu ku biiriyo kooxdiisa cusub.

Sami Khadira ayaa si weyn u soo jiitay  Real Madrid isagoo ciyaar  wanaagsan ku soo bandhigay ciyaarihii xulkiisa Germany ee koobka adduunak 2010 wixii waqtigaas ka danbeeyay waxaa uu ahaa ciyaaryahan lala xiriirnayay inuu u dhaqaaqo kooxaha ugu waa weyn dalka Spanish-ka.

Ciyaaryahankan Khadka dhexe ayaa ka yimid dhinaca Dhallinta Dugsiga Stuttgart wuxuu ka qeybgalay100 kulamo rasmi ah dhinaca Schwaben illaa markii danbe uu si weyn u soo muuqday bishii October 2006.


 

 


 


ISBOORTI  Cheif  Editor 
Said Ibrahim Hussein [BUUNA]
buuna@isboorti.com 
Cell: Phone: +2526-99-982912
Mogadishu - Somalia

Bookmark and Share





 
  © Copy Right 2009 - 2010 Isboorti.com | All Rights Reserved  
Designed, Developed & Powered by: Ileys Technology Inc.