JEDDAH: Ciyaarta Kama Dambeysta ah ( FINAL ) ee Tartankii Koobka Kubbadda Cagta ee Marxuum Cismaan Wayaame ama OK, ayaa lagu soo gabagabeeyay Jeddah.
Saacaddu Markey aheyd 04:30pm Waqtiga Magaalada Jeddah ayaa waxaa halkaasi Xaadir ku ahaa Dhamaan Ciyaaryahanadii labada Naadi ee kala ah Jubba Airways iyo Dahabshiil iyo Dhamaan iyo Daawadaayal aad u fara badan iyo weliba mas`uuliyiin , Marti sharaftii Halkaasi ka soo qeybgashey . Intaasi ka dib waxaa halkaasi ka bilaabatey ciyaartii oo ku socotay bilowgiiba dar dar weerar iyo weerar celis, Naadi walbana uu is lahaa yaan lagaaga hormarin goolka ayaa daqiiqadii 15` ee qeybta hore u suurtogashey naadiga Jubba Airways inay dhaliyaan goolkoodii ugu horeeyay kaasoo ahaa Rigoore islamarkaana uu u saxiixay Goolkaasi Ciyaaryahan Xaajiyow. qeybtii hore waxaa lagu kala nastay 1-0 .
Markii leysugu soo laabtey qeybtii dambe ayaa ciyaartii ka sii dartay hanaan wanaageeda oo daqiiqadii 8aad ayaa iyana Naadiga Dahabshiil u suurtogashey inay barbareeyeen goolkoodii ugu horeeyeyna ay ka dhaliyeen naadiga Jubba Airways misna goolkaasi uu ahaa mid Rigoore waxaana u saxiixay Ciyaaryahan Ibraahim Diinoos .
Ciyaartiina waxay kusoo gabagabowdey waqtigii caadiga 1-1 oo ay isku mari waayeen labada Naadi ee Jubba Airways iyo Dahabshiil , maadaama ay aheyd ciyaar kama danbays [Final] ah ayaa waxaa loo dhigey rigoore yaal waxaana halkaasi 5-4 ku badiyey Naadiga Jubba Airways oo uu halkaasi ku hantiyey Koobkii . Waxaana guddoonsiiyey Ciyaaryahankii weynaa C/qaadir Yurus oo u ciyaari jirey Naadiga Wagad waagii berisamaadkii sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Bahda Ciyaaraha ee Jaalliyadda Soomaaliyeed Magaalada Jeddah Boqortooyada Sacuudi Carabiya Md. Maxamed Aweys , Muxsin Aboor C/qaadir Seyga, Cali Baashi, C/risaaq Iimaan,Muxudiin DIINOOS, Yuusuf Shiiqaal iyo dadweyne aad iyo aad u fara badan .



By. Maxamed Aweys
Jeddah-Saudi Arabia
