Ciyaarihii Eurosom 2010 oo Guul ku Dhamaaday
This article was Published at: 31-07-2010 and has been viewed 1250 times
Helsinki: Ciyaarihii Eurosom ee Sanadkaan lagu qabtay Dalka Finland Magaaladiisa Helsinki ayaa galankii danbe ee shalay halkaasi lagu soo gaba gabeeyay iyadona Ciyaartii Final-ka ee maalintii shalay aheyd isku hardiyeen kooxaha Kanava Finland iyo Gothenburg Sweden iyadoona Koobkaasi ay la hoydeen Kooxda Kanava Finland ka dib markii 4-0 ku garaacday Gothenburg Sweden.


Ciyaartii Shalay oo aheyd mid aad u kululeyd, gabagabana u aheyd kulamadii Xiisaha Badnaa ee Koobka EUROSOM ayaa labada kooxoodba waxay soo bandhigeen ciyaaro aad u xiiso badan oo ay ka wada maqsuudeen dhamaan bahdii isboortiga ee u soo daawasho tagtay Ciyaarahaasi iyadoona Maalintii shalay aheyd ee kulan ciyaareedkaasi mid ay u soo daawasho tageen boqolaal ruux oo ah bahda xiiseeya ciyaaraha.

Bilawgii ciyaarta oo ku bilaabatay dar dar iyo is afgarad koox waliba dhexdeeda ah ayaa haddana waxaa muuqatay mid daqiiqadba daqiiqada ka danbeysa ee kooxuhu noqonayeen kuwo kubado xiiso badan beerdareeya waxaana kooxda Gotherburg ay iska qasaariyeen labadii galinba seddex fursadood oo ciyaaryahanka lambarka 8` uu la dul tagay goolhayaha kasoo mar waliba ka qasaariyey fursadahaasi dahabiga ah.

Fursadihii ay qasaariyeen kooxda Gothenburg waxaa ka faa`ideystay ciyaaryahanada kooxda Kanava Finland taasoo qeybtii danbe ciyaarta wax weyn ka badashay ka dib markii uu badal kusoo galay ciyaaryahanka baalka midig ee difaaca ka ciyaara oo lambarka 2` u sitay Kanava kaasoo keenay Rigoore ay heshay kooxdiisa. iyadoona Rigooradasi uu laaday kabtanka kooxda Finland kuna hubsaday shabaqa.

Sidoo kale Ciyaaryahamada kooxda Kanava Finland ayaa waxa ay heleen fursado kale o qaali taasoo inteeda badan u muuqatay in ay ka faa ideesteen iyadoona ciyaarta ka dhigtay in ay ku soo idlaato 4-0. oo ay guusha la hoydeen kooxda Kanava ee Finland.

Waxaana gabagabadii Ciyaartaasi xiisaha badneed ka dib halkaasi koobkii lagu guddoonsiiyay Ciyaaryahanada Kooxda Kanava Finland oo uu sanadkaani koobka gacanta u galiyay Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee G.O.S ahna madaxa Xariirka caalami Mr. Duuraan Faarax, Iyadoona Sidoo kale ee goobta ku sugnaayeen Saraakiil kale oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Eurosom Mr. Maxamed Axmed Diini, Xoghayaha Olompikada Soomaaliyeed Mr. Cabdulaahi Axmed Tarabi, Tababaraha Xulka Qaranka Baasketka Cabdulaahi Sheekha iyo xubno kale oo ka tirsan Xiriirka kubada Cagta, kubadda Koleyga iyo Ciyaaraha fudud ee Soomaaliya.

Dhanka kale Isla Habeenkii Xalay Ahaa waxaa Munaasabad Sagootin ah loo sameeyay qaar ka mid ah Madaxdii iyo qeybihii kala gedisnaa ee Marti sharaftii Ciyaarahaasi ka soo qeyb gashay oo isugu jiray Fanaaniin, Ciyaaryahano, Saraakiil Sporti, Saxafiyiin, Aqoonyahano, iyo waliba qeybo ka mid ah Bahda Sportiga oo Sanadkaani goob joog ka ahaa kulamadii Ciyaaraha ee Eurosom.

Waxaa Shahaado Sharaf Halkaasi lagu Guddoonsiiyay Saxafiyiintii ka qeyb qadatay baahinta Ciyaarahaasi Eurosom oo iyagu lagu Amaanay in la` aantood qeybo badan oo ka mid ah bulshada aysan la socon laheyn Ciyaarihii ka dhacay Dalkaasi Finland Magaaladiisa Helsinki.





Daawo: Sawiro badan Ciyaaraha Eurosom 2010

  

 

 

 


 

Nadiifo Cali Shadoor
shadoor143@hotmail.com
Helsinki � Finland

Bookmark and Share






 
  © Copy Right 2009 - 2010 Isboorti.com | All Rights Reserved  
Designed, Developed & Powered by: Ileys Technology Inc.