Kooxda Kanava oo si dirqi ku reebtay W. Qaraabo
This article was Published at: 30-07-2010 and has been viewed 2473 times
HELISINKI: Ciyaaraha semi final-ka koobka Eurosom ee ka soconaya magaalada caasimada ah ee Helsinki ee dalka Finland iyadoo tartanka uu marayo marxaladihiisa ugu danbeeyey iyadoo Shalay la ciyaaray kulamadii Semi Finalka.

 

Ciyaartii hore ayaa waxaa fooda is daray kooxaha Sukao Norway iyo Gothenburg Sweden waxaana 90kii daqiiqo ku gacan sareeyey kooxda Gothenburg ee dalka Sweden iyadoo ciyaarta qeybtii hore ay 2 gool ku hogaaminaysay kooxda Sweden.

Qeybtii danbe ee ciyaarta ayaa wax waliba is badaleen oo waxaa 6 gool oo kale laga dhaliyey kooxda Sukao Norway oo si aan caadi ahayn loogu tuntay iyadoo aad ka dareemi kartay garoonka dhexdiisa kooxda Sukao inuu ka dhex jiray is afgaranwaa iyo dagaal dhexdooda ah.

Gothenburg waxay 8 gool oo nadiif ah ku gaartay ciyaarta finalka ee koobka Eurosom oo lagu wado in Maanta lasoo afjaro, waxaana goolasha Gothenburg u keenay ciyaaryahanada kala ah Deeqsi oo afar gool u dhaliyey kooxdiisa, waxaana min laba gool u saxiixay kooxdooda ciyaaryahanada kala ah Mustaf iyo Guuleed Xasan.

SEMI-FINAL : KANAVA FINLAND iyo W. QARAABO -DENMARK.

Ciyaartaan oo aad u adkeeyd ayaa waxaa labada dhinac ay soo bandhigeen ciyaaro aad loo jecleysto iyagoo isku qaadayay weeraro cajiib ah inkastoo kooxda Kanava ay gelinkii hore ay aad ugu ciyaar wanaag sanayd kooxda Qaraabo waxayna heleen dhowr fursadood.

Isla qeybtii hore waxaa gool helay kooxda Kanava ka dib markii ciyaaryahanka lambarka 13` Saciid Keydsaneey uu kubad uu soo farsameeyey uu lugta u galiyey ciyaaryahan Saadan Aadan oo lambarka 7 u sitay kooxdiisa Kanava kaasoo shabaqa si xarago leh ugu riday.

Qeybtii danbe ee ciyaarta ayaa mar kale waxa fursado kala duwan helay ciyaaryahan Keysaneey oo weerarka ugu ciyaara kooxda Kanava kaasoo mar kubadda la dhaafay goolhayaha isagoo waliba xitaa birta u gooyey kubadiina dibada ugu baxday.

Keysaneey ayaa ahaa shalay xiddiga ay ku dhaartaan kooxda Kanava taasoo aad ka garan karto marka uu kubadda qabto sida ay ugu sacabo tumayeen taageerayaasha reer Finland.

Si kastaba ha ahaatee qadar 20 daqiiqo marka ay ciyaarta ka harsanayd ayaa kooxda Walaalaha Qaraabo waxay lasoo baxeen weeraradooda ugu danbeeyey maadaama hal gool lagu lahaa iyagoo doonayay inay iska soo magaan goolkaasi waxayna isku dayeen dhowr jeer ina ay weeraro kulul ku qaadaan goolka Kanava, balse difaac bir ah ayaa loo dhigay afaafka hore ee goolka Kanava.

Dhowr fursadood ayay heleen Walaalaha Qaraabo laakiin uma suuragalin inaay iska soo magaan goolkii lagu lahaa ciyaartiina waxay kusoo idlaatay 1-0 ay guushu ku raacday kooxda martida loo yahay ee Kanava.

Maanta  ayaa lagu wadaa in la ciyaaro Finalka koobka Eurosom ee 2010, lamana saadaalin karo labada kooxood ee Gothenburg iyo Kanava cida ay guushu raaci doonto. balse waxaanu idiin balan qaadaynaa inaan idiin soo gudbin doono wixii natiijo ah ay ku dhamaato ciyaaraha Eurosom ee sannadkaan ka dhacaya magaalada Helsinki ee cariga Finland.


  


 


 


 

Nadiifo Cali Shadoor
shadoor143@hotmail.com
Helsinki – Finland

Bookmark and Share






 
  © Copy Right 2009 - 2010 Isboorti.com | All Rights Reserved  
Designed, Developed & Powered by: Ileys Technology Inc.