NAIROBI: Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya si habsami leh uga socda Tartanka ciyaaraha fudud ee dhallinyarada Afrika [17th African Senior Championships 2010] .
Haddaba Ciyaaryahano Soomaaliyeed ayaa tartankan ka qeybgalaya iyagoo ku tartamaya Orodo isugu jira 400M,800M iyo1500M, ciyaarta maanta oo waxaa lagu tartamayay 800M waxaana dhinaca Soomaaliya ku ciyaarayay orodyahanka Cabdalla Maxamed Xuseen `Weah` , iyadoo ciyaaryahanka dadaal uu ka muujiyay tartankan ayaa nasiibku diiday inuu kaalin wanaagsan uu gaaro isagoo durbadiiba dhaawac muruqa uu soo wajahay .
"Ciyaaryahanku wuu dadaalay nasiibdaro uma soo bixin kaalinta Finalka, dhaawaca soo gaaray waa dhinaca Seedka," sidaasna waxaa ISBOORTI u sheegay Xoghayaha guud XSCF Faarax Cali Macalin oo ka warbixinayay xaaladda guud ee Orodyahanka Soomaaliyeed Cabdalla `Weah`.
"Beri Soomaaliya waxay ka qeybgalaysaa orodka 1500M ee gabdhaha waxaana ciyaaraysa orodyahanada Soomaaliyeed Saamiya Yuusuf Cumar dhinaca wiilashana Nuur Cusmaan ayaa ku tartama 1500M, waxaan ka rajeynaynaa natiijo wanaagsan." ayuu raaciyay xoghayaha guud ee XSCF Faarax Cali Macalin.
Si kastaba, Tartankan wuxuu furmay 28ka Agoosto isagoo soconaya illaa 1da Oktoobar Soomaaliya waxaa uga qeybgalaya 5 ciyaartoy guud ahaan tartankan XSCF waxaa uga qeybgalaya 10 xubnood oo ay horkacayso Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xiriirka Ciyaaraha Fudud Marwo Khadiijo Aadan Daahir.
Sawirada Ka Daawo Halkan

ISBOORTI Cheif Editor
Said Ibrahim Hussein [BUUNA]
buuna@isboorti.com
Cell: Phone: +2526-99-982912
Mogadishu - Somalia
Natiijada 800M ee Orodyahan Cabdalla Weah Halkan