Jubba Airways iyo Dahabshiil oo Tiigsaday Final
This article was Published at: 25-07-2010 and has been viewed 4741 times
JEDDAH: Iyadoo ay si xiiso leh u socdaan tartanka koobka Marxuum Cismaan Maxamed Xasan ( WAYAAME ) ama "OK" waxaa adag isaga horyimid labada naadi ee kala ah Jubba Airways iyo Dahabshiil leysna lahaa keebaa badin doona.


Garoonka lagu ciyaaraayo oo ay buux dhaafiyeen taageerayaasha labada Naadi iyo dadweyne aad u fara badan oo usoo daawasho tagay bal ciyaartaasi sida ay u dhici doonto ayaa garsoore Yuusuf Sheekhaal uu seerigii ku dhuftay bilowga ciyaarta .

Ciyaartiina waxey ku bilaabatey mid weerar iyo weerar celin wallow labada kooxood ay wada kulmeen 12 jeer oo midba shan kulan badisey laba kulana ay barbar dhaceen .

Waxay ciyaartu socotaba daqiiqadii 13aad ayaa ciyaaryahanada naadiga jubba airways u suurto gashey inay goolkoodii koowaad dhaliyaan qeybtii hore waxaa lagu kala nastay 1-0.

Markii leysugu soo laabtey qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa dardar la soo galeen naadiga Dahabshiil iyagoo markoodiina u suurto gashey inar barbareeyaan oo halkaasi goolkoodii koowaad ka dhaliyey. Wax lawada hardamo leysna weeraro oo naadi kastaba markiisa weerar qaado kan kalena iska difaaco inkastoo laba naadiba aan u suurto gelin inay gool kale halkaasi ka dhaliyaan, ciyaartii waxey kusoo gabagabowdey barbar dhac 1-1.

Natiijadan waxay  mar labaad u suurto gelinaysaa inay mar kale wada kulmaan ciyaarta kama dambeysta ah waayo waxaa halkaasi ka baxay naadiga Gololey .

Ciyaarta kama dambeysta ahna waxaa ku wada kulmaya labadan naadi iyagoo dhibco tirsiga ay kusoo wada baxeen sidaasina ay fursad ugu heleen inay wada ciyaaraan ciyaarta kama dameys  ah [FINAL].

Halkan kala soco natiijada Final-ka tartanka Koobka Marxuum Cismaan ( Wayaame ) ..
 


 

 



 Maxamed Aweys.
Jeddah -Saudi Arabia

Bookmark and Share





 
  © Copy Right 2009 - 2010 Isboorti.com | All Rights Reserved  
Designed, Developed & Powered by: Ileys Technology Inc.