FIBA Africa oo Qalab Isboorti Guddoonsiiyay XSKK
This article was Published at: 25-07-2010 and has been viewed 4863 times
Mas`uuliyiin ka tirsan Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga oo dhawaan ka qeybgalay shirweynihii 15aad ee Xiriirka Kubadda Koleyga Afrika [FIBA - AFRICA], waxayna mas`uuliyiinta xiriirka halkaasi ku soo bandhigeen waxqabadkooda iyo baahida xagga farsamo iyo qalab ee ay xiriirku u baaahan yahiin. Waxaana dalabkii XSKK si dhaqsi uga jawaabay FIBA oo qalab casri ah guddoonsiiyay.


Qalabka isboorti ee FIBA waxaa magaalada Bamako ee dalka Mali ku guddoomay Xoghayaha guud XSKK Eng. Baana Cabdalla Cali . Haddaba qalabkan ayaa ah midka lagu qoro dhibcaha kooxaha iyo saacadda 24-ka Seken qabta [Scoreboard - 24 sec shot clock].

"Fiba Africa waxay balan qaaday in ay gacan weyn ka geysan doonaan dhanka horumarinta kubada koleyga Soomaaliyeed, haddey noqoto mid tababar, qalab iyo dayactirka garoomada" ayuu yiri xoghayaha. wuxuu kaloo xoghayaha sheegay inay muhiim tahay in ay cayaartoyda Soomaaliya ku sugan in tayadooda kor loo qaado si ay ula qabsadaan ama ay ula tartamaan Caalamka." Ayuu yiri Eng. Baana.

"Qalabka 24 secs oo ah qalab aan weli Soomaaliya laga isticmaalin waxayna  u baahan tahay  in tababar gaar ah lagu siiyo, qaarka mid ah garsoorayaasha iyo cayaartoydaba." Ayuu raaciyay Eng. Baana Cali oo warbixinta qalabkan siinayay ISBOORTI .

Si kastaba, Qalabkan oo baahi weyn loo qabay ayaa wuxuu meesha ka saarayaa sabuuraddii wax lagu qorayay iyo saacadihii hore, waxayna ku soo kordhinaysaa talaabo wanaagsan xagga habsami  u socodka ciyaaraha kubadda koleyga Soomaaliya oo la jaanqadaya adeegsiga qalabka casri ee dunida laga adeegsado. 



 

 


 


ISBOORTI  Cheif  Editor 
Said Ibrahim Hussein [BUUNA]
buuna@isboorti.com 
Cell: Phone: +2526-99-982912
Mogadishu - Somalia

Bookmark and Share

 





 
  © Copy Right 2009 - 2010 Isboorti.com | All Rights Reserved  
Designed, Developed & Powered by: Ileys Technology Inc.