Ciyaaraha EUROSOM oo habsami u Socda
This article was Published at: 25-07-2010 and has been viewed 4613 times
HELSINKI: Waxaa magaalada Helisinki ee dalka Finland si habsami leh uga soconaya tartanka ciyaaraha Eurosom ay soo agaasintay . Maanta oo ahayd maalin ay jirtay hal ciyaar ayaa ahayd mid ka duwan maalmihii caadiga ahaa marka laga eego dhinaca kubadda cagta,waxaa sidaas oo kale barbar socdey tartan aad u xiisa badnaa oo dhinaca ciyaaraha fudud ee EuroSom taas oo loo qabtay caruur iyo dhalinyaradda Soomaaliyeed ee kasoo qayb gashay ciyaaraha EuroSom ee sanadkan 2010.


Haddaba waxay ciyaarahaan si gaar ahaan ah u farxad geliyeen caruurta ay da`dooda aad u yar yar yihiin iyo waalidiintooda, si kastaba waxaa lagu talagalay tartankii ciyaraaha fudud  ee maanta waxaan ay ciyaarahaas ay u dhaceen si aad u qurux badan.

Tartankan ayaa  waxaa uu ahaa mid ay kasoo qaybgaleen caruurta iyo dhalinyaradda da`dooda u dhaxeeyso 6 jir ilaa iyo 40 sanno jir.

Gabagabaddii  ayaa  waxaa  caruurtaas iyo dhalinyaraddii kasoo qayb gashay waxaa lagudoonsiiyey kalimihii ay kala galeen bilado dahab,qalin iyo maar isugu jira, waxaana ay u kala galeen sidan:

CARUURTA DA`DOODA  5-6  JIR EE 50m

1.Abdimalik                                     

2.Luqman Abdulkadir

3.Musse Aden

CARUURTA DA’DOODA 8 JIRADDA 50m

1.Ahmed Abdirahman

2.Ayub Abdulkadir

3. Shamso Osman

CARUURTA DA’DOODA 9-12 JIRKA AH 80m

1.Liban Gure

2.Ahmed Abdulkadir

3.Abdulkadir Abdi Osman

DHALINYARADDA 14-15 JIRADA 100m

1.Osman Mahamed

2.Sady Farah

3.Yusuf Abdulle

CARUURTA DA`DOODA 15 – 19 JIRADDA 100m

1.Ali Mahad Abdi

2.Abdifatah Mohamed

3.Amin Ahmed 

DHALINYARADDA DA`DOODA 18 JIR ILAA IYO WIXII KA WAYN 1500m

1.Dahir Hassan

2.Amin Ahmed

3.Abdullahi Ismail.


GOTHENBURG IYO SWESOM OO CIYAAR XIISO LEH SOO BANDHIGAY

Ciyaar aad u xiiso badnayd oo ay dadweynaha wada sugayeen ayaa waxaa galabta garoon ay ciyaaraha kasocdeen ee magaaladda Helsinki waxaa kusoo bandhigay laba kooxood oo ka wada yimid wadanka Sweden,kuwaas oo kala ahaa SweSom iyo Gothenburg.

Ciyaartan ayaa waxaa ay ku bilaabatay jawi aad u degan oo labadda kooxoodba ay midba mida kale iska ilaalinaysay isla markaasna ay ku xisaabtamayeen kubadkastaa iyo meesha loo baasayo,si kastaba ha ahaatee waxaa goolkii ugu horeeyey ku hormaray kooxdii Swesom oo halkaas ka dib ku hogaamisay mudo hal gool iyo eber,qadar  daqiiqado ah ka dib ayaa waxaa gool layimid kooxdii oo halkaas barbardhac ka dhigay kooxdii ka socotay magaaladda Gothenburg ee wadanka Sweden. Si kastaba waxaa gabagabaddii halkaas 2 iyo 1 ay guushii ku raacday kooxii reer Gothenburg ee wadanka Sweden.

Labadan kooxood ayaa waxaa ay isku meel kuwada jiraan iyaga iyo kooxda Kanava,haddaba horey ayaa waxaa u wada ciyaaray kooxaha Kanava iyo Gothenburg oo halkaas guusha ay ku raacdey kooxda Kanava ,ciyaartii maantana waxaa ay guushii raacdey kooxdii Gothenburg,haddaba waxa la sugaa waa ciyaarata ay wada yeelan doonaan kooxaha Kanava  iyo SweSom taas oo ka dib la ogaan doono cida u soo baxda ciyaaraha semi-final-ka.


 

Abdiaziz Godah
agodah@hotmail.com

Helsinki-Finland

Bookmark and Share





 
  © Copy Right 2009 - 2010 Isboorti.com | All Rights Reserved  
Designed, Developed & Powered by: Ileys Technology Inc.