Cabdullaahi Maxamuud Salxaan [Eenow] waxa uu ahaa Xidiga Kubbada cagta dalka Soomaaliya wuxuuna caan ka ahaa dhamaad dalka oo dhan, wuxuu u ciyaari jiray kooxda caan baxday ee ciyaar wanaaga looga bartay ee Naadigii Madbacadda Qaranka waxaana kula kulmay magaalada Helsinki waxaana ka wareeystay taariikh nololeedkiisa oo gaaban.
Cabdullaahi Maxamuud Salxaan [Eenow] waa halyeey kubadda cagta soo maray taariikhda Soomaaliya waa gool dhaliye laga baqo waxaana dhihi karaa waa ciyaaryahankii ugu fiicnaa oo hadii xiligaan uu kusoo beegmi lahaa ayba qaadan laahaayeen naadiyada waaweyn ee caalamka.
Cabdullaahi Eenow waxaa uu ku dhashay magaalada Marka 1957dii wuxuu waxbarashadiisa dugsiga H/dhexe kusoo qaatay magaalada Muqdisho dugsii hoose dhexe ee Raage Ugaas.
Eenow uma suuragalin inuu waxbarashadiisa sii wato arrimo la xiriiray jacaylka uu u qabay inuu noqdo ciyaaryahan xidig ah.
Waxa uu ciyaaraha kasoo bilaabay ciyaalka xaafada ama Sharad oo micnihiisu ahaa in la sharatamo, ka dib wuxuu u ciyaaray kooxihii xaafadaha, wuxuu kusii biiray ciyaarihii degmooyinka wuxuuna usoo ciyaaray Waaberi Via Laybeeriya oo markaasi wacdaro uu ka dhigay.

Waxaa loo qaatay 1975tii Juunyeerka Madbacadda oo xiligaasi ay ka ciyaarayeen heerka 3aad, waxay qaadeen isla sannadkaasi koobkii heerka 3 aad waxayna u gudbeen heerka 2aad, isla sannadkii ku xigay waxay qaadeen koobkii Seria B – da dalka Soomaaliya oo loo yaqaan heerka labaad.
1977dii ayaa Inoow loo qaatay xulkii Gobolka Banaadir waxayna tartanka Gobolada oo ay ka qeyb qaateen gaareen Finalka waxaana 1- 0 ugu adkaaday Gobolka Sh/hoose Marka, waxayna aad ugu xumaadeen iyagoo markaa ahaa xidigo aan la loodin karin in nasiibka uu ka hiiliyey.
Markii ay ku biireen horyaalka dalka Soomaaliya heerka 1aad ayaa waxaa kooxdii Madbacadda oo aan dalka Soomaaliya markaasi laga aqoon ay badaleen kooxda Somalitex oo ka socotay warshadii Balcad.
Madbacadda waxaay ahaayeen dhalinyaro da’a yar oo si wanaagsan isu ciyaar yiqiin waxay durbadiiba la qabsadeen sannadkii ugu horeeyey iyagoo horyaalka sannadkaasi ka galay meel aad u wanaagsan.
1978dii markii ay k ubiireen horyaalka Seria A da ama heerka koowaad, 1981dii waxay qaadeen koobka koobabka ama koobkii loo yaqiin Jeneraal Daa`uud, sidoo kale 1983dii ayay noqdeen Championka dalka Soomaaliya oo waxay qaadeen koobkii horyaalka sannadkaasi.
Wixii intaasi ka danbeeyey naadiga Madbacadda marka ay ciyaarayaan garoonka Muqdisho Stadium iyo Banadir Stadium waxaa soo buuxi dhaafin jiray taageerayaal jibaysan oo Madbacadda ah.
1985tii ayuu u dhoofay ciyaaryahan Eenow dalka Sacuudiga isagoo isla sannadkaasi kusoo laabtay dalkiisa hooyo ayaa galabkaasi waxaa ciyaarayay kooxdiisa Madbacadda waxayna la ciyaarayeen kooxda Batroolka oo ay u ciyaarayeen Cambar iyo Mukhtaar Cuti waxaana kooxda Madbacadda lagu lahaa 2 gool halka ay iyaguna ka lahaayeen 1 gool.
Markii ciyaarta oo 20` daqiiqo ay ka harsanayd lasoo galiyey Cabdulaahi Maxamed Salxaan Eenow kaasoo wax badan ka badalay ciyaarta isla markaana baro baro u keenay Naadigiisa Madbacadda isagoo xitaa aan wax tababar ah qabin.
Waxyaabihii xusuusta gaarka ah ku reebay Eenow ayaa ahaa 1984tii Ciyaaryahan Eenow waxay Kooxdiisa Madbacadda Qaranka u safreen dalka Kenya oo ay kula soo ciyaarayeen ciyaarihii Bariga iyo Bartamaha Afrika kooxda Gormahiya taasoo laba gool kaga hormartay halka iyaguna ay lahaayeen gool.
Ciyaarta oo daqiiqado ka harsan ayaa waxa uu Eenow si qiyaano ah goolhayaha ka dafay kubadda ka dib markii goolhayaha oo kubadda dhulka ku garaacaya si uu laado uu kusoo cararay ka dibna ka dafay oo shabaqa ku hubsaday kana dhigay 2-2 taasoo usuuragalisay in barabarahaasi ay usoo baxaan qeybaha kale ee tartanka.
Ciyaaryahan Cabdulaahi Eenow waxa uu kasoo ciyaaray inta badan qaarada Afrika iyo wadamada Jaamacadda Carabta, waxaana ka mid ah xusuusta Eenow afka ku dhuftay dalalka Kenya, Tanzania, Gambia, Tunisia, Uganda, Zambia Sacuudiga, Masar iyo kuwo kale oo tiro badan.
Ciyaaryahan Eenow oo qatar ku ahaa dhanka gool dhalinta ayaa ka ciyaari jiray afka hore ee garoonka wuxuuna ahaa ciyaaryahan qiyaanooyinkiisa ay baqi jireen goolhayeyaasha iyo difaacyada kooxda kasoo horjeeda.
Ciyaaryahanadii uu aadka ugu kalsoonaa ayaa wuxuu ka xusay goolhaye Karaama, Dooli, Nuur Amiin, Cabdi Baari, Muriidi Abanuur Abati, Yuusuf Shaqaaq, Mukhtaar Cuti, Khaliif Riike, Shaash, Muxiyadiin Cambar, Cabdulqaadir Isnaay, Saciid Ceyroow iyo ciyaaryahano kale oo badan oo halkaan aan lagu soo koobi karin.
Eenow sababaha uu dalka Soomaaliya ugu soo cararay ayaa garan kara qof kastaa oo Soomaali ah waxaana uu halkaan u yimi inuu nabad ku helo isaga iyo caruurtiisa.
Cabdulaahi Maxamuud Salxaan Eenow wuxuu ciyaaraha hada socda iyo kuwa dalka gudihiisa iyo dibadiisa laga ciyaaro u rajeeyey inaay dhalinyarada ku daydaan ciyaarayahanadii hore kuwaasoo magac iyo maamuus ku lahaa garoomada Afrika iyo carabta aadna looga baqi jiray marka ay kubadda la qeybsanayaan ciyaaryahanada kale.
Cabdulaahi Maxamuud Salxaan [Eenow] waxa uu leeyahay xaas iyaduna kasoo jeeda Isboortiga Soomaaliyeed waxaa lagu magacaabaa Cambaro Maxamuud Siyaad waxay kubadda koleyga u ciyaari jirtay Batroolka waxayna wada leeyihiin 6 ciyaal ah 4 gabdhood iyo laba wiil.
Waxaa Wareystay:

Maxamed Cabdulle Xasan "Siidi"
siidmaxamed@hotmail.com
Helsinki - Finland

